Karnivaalka Kobanheegan ee 2009Maalmaha fasaxa ee pinsaha ee 29. -30. -31 meey 2009, wuxuu maalgelinta karnivaalka kobanheegan soo bandhigaya karnivaalka Kobanheegan ee sanadlaha ah.Kaalay oo nagala soo qaybgal damaashaadka saddexmaalmoodka ah ee ka dhici doona bannaanka Fælleparken ee Kobanheegan, halkaas oo aad kula kulmi doontid heeso, muusigkooxeedyo toos ah, iyo qoobkaciyaarro ka kala socda daafaha dunida oo aan lacagi kaa geli doonin.
Soo daawo lebiska, baalgorayada, jiibta iyo jaanta saambaha iyo jilayaasha midabada caynba caynka ah oo ka kala socda farshaxanyahanada iyo qoobkaciyaarayaasha dheenishka iyo debeddaba. wuxuu karnivaalka kobanheegan ee weyni gaardiyi doonaa badhtamaha Kobanheegan, 30.meey. wuxuu 11-ka saac ee subaxnimo ka bilaabmi doonaa bannaanka Kongens Nytorv, halkaas oo lagu soo gabagabayn barxadda dowladda hoose ee kobanheegan.
Karnivaalka kobanheegan wuxuu ahaa dhacdo weyn tan 1982. Sanadkanse karvivaalka kobanheegan wuu ka weyn yahay kuwii hore loo qabtay, oo wuxuu ka kooban yahay 8 qaybood oo ka dhici doona fagaaraha weyn ee Fælleparken, muusig toos ah iyo farshanyahanno ka socda gudaha iyo debedda.
Waxa halkaas ka jira qaybo waaweyn oo ay ka mid yihiin magacyada muusigga caalamiga, qoobkaciyaarro badan sida saamba, koboyra iyo qoobkaciyaarka kolombiyaanka,karnivaalka carruurta ee gaarka ah, kulub caami ah iyo kuwo kale.
Waxa sanadkan si weyn loo hagaajiyay dhanka cuntada. Waxa halkaas laga helayaa cunto kala duwan oo caafimaad iyo dhadhanba leh.
Hubaal, maalinta axaddu waa dhaqamobadanlay oo waxa barxadda ballaadhan ee Fælleparken ka dhacaya gardis galabnimo ee karvaalka kobanheegan.
Calaamadso xilliga iyo goorta, kaalay oo ka qaybgal dhacdodhaqameedda ugu horraysa ee ugu weyn skandineefiyank. Karnivaalka Kobanheegan 2009!
|

